Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Ra,Isul Wasaarihii oo Lamagacaabey
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:22
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:80
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:243
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:368
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:135
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Nov 22 2007
Ra,Isul Wasaarihii oo Lamagacaabey
Written by Ali Moallim   
Thursday, 22 November 2007

Nuur CadeBaydhabo, (insidesomalia.org)- Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Md: Cabdullaahi Yuusud Axmed ayaa ku dhawaaqay mas'uulka noqonaya Ra'iisul Wasaaraha cusub ee soomaaliya kaasoo loo magacaabey Md: Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa Dikreeto uu Xafladda magacaabista ka hor aqriyay waxaa uu ku sheegay in Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) uu yahay Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya .

Md:Yuusuf ayaa Ra,isul Wasaaraha cusub faray in mudo gaaban uu ku soo dhiso Golahiisa Wasiirada mudo gaaban isla markaana ka samata bixiya shacabka Soomaaliyeed dhibaatada inta aysan dhamaan mudada Dowladda u harsan.

Md: Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa u hambalyeeyay Md: Nuur Xasan Xuseen (Nuuu Cadde) wuxuuna u rajeeyay in uu howshiisa si daacad ah u guto.

Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde oo isna halkaasi ka hadlay ayaa u mahad celiyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo dhamaan Xubnaha gacanta ku siiyay iyo kuwii la tartamayey.

wuxuuna balan qaaday in Xilka loo magacaabay uu kazoo dhalaalo si daacadnino lehna ugu shaqyn doono Dadka Soomaaliyeed oo Dagaalada ay diloodeen.

Waxaa uu sheegay in marka hore mudnaanta uu siin doono dib u heshiisiinta, nabadgelyada iyo gargaarka bini'aadanimo, isagoo ka codsaday hey'addaha caalamiga ah iyo Dalalka shisheeye ee daneeya arimaha Soomaaliya in ay gacan siiyaan shacabka Soomaaliyeed.

Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >